Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ku wajahan Dhuusamareeb

General Somali News

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Wafdi hordhac ah oo isugu jira howlwadeeno ka tirsan gobolka Banaadir iyo ilaalada gaarka ah ee Cumar Filish ayaa shalay  gaaray magaaladaasi.

Duqa Muqdisho ayaa ka qeyb-galaya shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada oo lagu wado inuu ka furmo Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Shirkan oo uu guddoomin doono madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *