Cabdirashiid Janan iyo wasiiro ka tirsan DFS oo soo gaaray Muqdisho

Wasiirkii Ammniga Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ay wehliyaan Wasiiro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho. Shalay ayay aheyd markii degmada Beled Xaawo lagu soo dhaweeyay wasiirkii amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan oo la sheegay inuu heshiis la galay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa qaabilay […]

Continue Reading

Madaxweyne Farmaajo Oo Ergo Madaxweynayaal Ah U Diray Axmed Madoobe Iyo Siciid Deni

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ergo madaxweynayaal ah u diray Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland si  loogu soo qanciyo in ay ka soo qayb-galaan shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Madaxwaynayaasha ergada ah ayaa waxay kala yihiin madaxwaynaha Galmudug, madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo madaxwaynaha Hirshabeele. Maanta ayaa la filayay in ay shir yeeshaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo […]

Continue Reading

DFS oo digniin iyo Hanjabaad u dirtay safiirada beesha caalamka

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ku adkeeyey Danjireyaasha ka howl-gala dalka ilaalinta madaxbannaanida iyo qarannimada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa tilmaamay in qoraallo ay soosaareen Danjireyaasha shisheeye qaarkood ay ka baxsan yihiin shuruucda iyo curfiga diblumaasiyadeed, isagoo xaqiijiyey in dhaqanka noocaas ah aysan aqbalayn shacabka iyo dowladda Soomaliyeed. “Dalalka caalamka waxaannu ka […]

Continue Reading

Dowladda oo si rasmi u shaacisay in ay la heshiisay Cabdirishiid Janan

Wasiirkii hore ee Amniga Jubalad, C/rashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa heshiis la galay dawladda Federal-ka ee Soomaaliya, waxaana manta oo Isniin ah isaga iyo ciidamo uu wata soo gaaray magaalada Beled-Xaawa oo dhacda Xadka Kenya. Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta, C/raxman Yusuf Cumar (Cadaala) ayaa xaqiijiyey in wafdi ka socday dawladda oo isaga kamid yahay ku […]

Continue Reading

Beesha Caalamka: “ma taageeri doono hannaan doorasho oo hal dhinac ah”

Qaramada Midoobay ayaa markale ku celisay in aysan taageereyn doorasho hal dhinac ama aan heshiis lagu eheyn, taasi oo ka dhacda Soomaaliya. Qaraal ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu boorriyay madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad gobolleedyda ee ku sugan Muqdisho, in ay yeeshaan wada-hadalo aan rasmiga aheyn, si loo gaaro heshiis ku aadan […]

Continue Reading

IGAD oo baaq ka soo saartay khilaafka doorashada Soomaaliya

Urur goboleedka IGAD oo war ka soo saaray khilaafka hareeyey doorashada Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey in shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uusan u qabsoomin sidii loogu talagalay. “IGAD waxay ku boorineysaa dhammaan hoggaamiyeyaasha inay ka waantoobaan ficil kasta oo carqaladeynaya dadaallada lagu doonayo in dib loogu bilaabo wadahadalka, […]

Continue Reading

Kenya oo QM ka dalbatay in deg deg loo xiro xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya Fred Matiang ayaa sheegay in muddo 2 todobaad ah ay u qabteen hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR inay ku xirto xeryaha ugu waa weyn ee qaxootiga ee Dhadhaab oo ay ku jiraan dad Soomaaliyeed oo qaxooti ah. Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegtay in wasiirku sheegay in ay ka walaacsanyihiin weerarada […]

Continue Reading

Muxuu yahay Heshiiska C/Rashiid Janan Uu La Galay Dowladda Federaalka Soomaaliya?

Wasiirkii amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashii Xasan Cabdinuur Janan ayaa si rasmi ah heshiis ula saxiixday dowladda Federaalka Soomaaliya, sida Goor dhow la faafiyay. Wariye Bashiir Maxamed Caato oo ka tirsan laanta Afka Soomaalida ee BBC-da oo la hadlay Janan ayaa u sheegay qodobada heshiiska Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan uu la gaaray dowladda Feederaalka Soomaaliya. […]

Continue Reading

Qodobadii Ay Isku Af-Garteen Guddigii Farsamada Ee Baydhabo Oo Lasoo Bandhigay

Dowladda Soomaaliya ayaa Caawa soo bandhigtay Qodobadii ay isku raaceen Guddigii Farsamada ee dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ee 15-16 Febraayo ku shiray Magaalada Baydhabo. War-murtiyeedka kasoo baxay shirka Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga ay si qoto dheer uga doodeen sidii doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha ugu qabsoomi laheyd muddo […]

Continue Reading