Faahfaahino ka soo baxaya gadiid xamuul ah oo lagu gubay Sh/Hoose

Warar aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay duleedka deegaanka Yaaqbari-weyne ku gubeen laba gaari xamuul ahaa. Labada gaari oo sida la sheegay mid uu dhul siday kuna soo jeeday Muqdisho, midna ku sii jeeday deegaanka Yaaqbari-weyne ayaa waxaa dhex u galay koox la aaminsanyahay inay ka tirsantahay Al-Shabaab, kuwaas […]

Continue Reading

Doonyo iyo Maraakiib aad u badan oo maanta ku xayiran dekedda Boosaaso

Wararka aan saakay ka heleyno magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in xeebta Boosaaso ay ku xayiran-yihiin doonyo iyo maraakiib sida shixnado ganacsi.  Doonyo iyo maraakiib ku xayiran xeebta Boosaaso ayaa u raran ganacsato Soomaaliyeed.Waxayna ka soo shiraacdeen qaar ka mkd ah dalalka Carabta, gaar ahaan Cummaan iyo Imaraadiga Carabta. Sababta ka dambeysa […]

Continue Reading

Abiy Axmed oo soo bandhigay qorshaha ay Itoobiya u sameysaneyso lacag cusub

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga hadlay lacag cusub oo Itoobiya ay sameyneyso. Abiy Axmed ayaa sheegay in lagacta cusub looga baaqsan doono howlaha sharci-darrada ah iyo musuq maasuq uu sheegay in hadda uu ka jiro Itoobiya. Naqshadda cusub ee lacagaha ayaa kala ah, 10, 50 iyo 100 […]

Continue Reading

Turkiga oo dib u celiyay Markabka sahanka ah Oruc Reis

Markabka sahanka ah Oruc Reis ee uu Turkigu leeyahay ayaa maalintii shalay aheyd ku laabtay biyaha u dhaw gobolka koonfureed ee Antalya, waana tallaabo dejin karta xiisadaha u dhexeeya Ankara iyo Athens ee ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah ee badda. Dalalka Turkey iyo  Greece oo labaduba ka tirsan isbaheysiga NATO ayaa ku muransan qalfoof-badeedka iyo […]

Continue Reading

Qurba-joogta Jabuuti oo mashaariic horumarineed ka fulinaysa dalkooda

Maal-qabeenada reer Jabuuti ee mudada dheer ku noolaa qurbaha ayaa haatan dalkooda dib ugu soo laabanaya, islamarkaana maalgashi baaxad leh ku samaynayaYaasiin Cawleed Faarax oo muddo dheer ku noolaa dalka Canada ayaa mashruuc baaxad leh oo dhismaha guryaha ah ka hirgaliyey deegaanka Lagaara oo 4-km u jira caasimadda Jabuuti, halkaas oo uu ka dhisay ilaa […]

Continue Reading

Kenya Oo Shaacisay In Uusan Jirin Qorshe DFS Ay Xayiraada Uga Qaadeyso Qaadka

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Kenya William Ruto oo ka hadlay telefishin maxalli ah ayaa sheegay in aysan jirin qorshe dhow oo dib ugu furmayo Suuqa ganacsatada Qaadka ee Soomaaliya. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa Caddeeyay in isfaham la’aan ah oo ku aadan arrinta qaadka uu ka dhex-jiro Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana waxaa uu sheegay in […]

Continue Reading

Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dhex Dilay Goobtiisa Ganacsi Koonfur Africa

Koox hubeysan oo burcad  Koonfur Afrikaan ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ay gudaha dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed kana mid ahaa dadka ku leh goobaha Ganacsiga halkaas. Muwaadiinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Axmed Xasan Jeceeloow, xilli uu ku sugnaa dukaankiisa oo ku yaalla Tuulada Motherwell ee Koonfur Afrika. Ragii […]

Continue Reading

Xoolo Farabadan Oo Laga Dhoofiyay Dekadda Magaalada Boosaaso

In ka badan 24-kun oo neef Geel ah ayaa habeenkii xalay aheyd laga dhoofiyay Dekadda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, kuwaasi oo laga kala keenay dhammaan deegaanada Maamulka Puntland. Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland gaar ahaan Wasaaradda Dekedaha ayaa sheegay in Geela xalay laga dhoofiyay Boosaaso la geyn doono dalka Sacuudiga, isla markaana uu qaaday […]

Continue Reading

Galmudug oo amar ku soo rogtay ganacsatada iibiya Qaadka

Wasaaradda Maaliyadda maamul Goboleedka Galmudug ayaa Ganacsatada Qaadka Hareeriga ah keena degaannada Galmudug ku amartay in ay isa soo diiwaan geliyaan ugu dambeyn 3da Bisha 9aad 2020, si loo siiyo sharci ay ku Ganacsadaan. Wareegto ka soo Baxday Wasaaradda maaliyadda Galmudug ayaa Ganacsatada Qaadka lagu faray in ay ammarkan u hoggaansamaan ciddii ka dhega adaygtana […]

Continue Reading

Shirkadda dayuuraddaha Qadar oo dib u bilaabeysa duulimaadkeedii Soomaaliya

Shirkadda Qatar Airways ayaa ku dhawaaqday inay dib u bilaabayso duulimaadyadeedii asbuuclaha ahaa ee magaalada Muqdisho, caasimadda Soomaaliya laga bilaabo Sebtember 6, 2020. Shirkaddu waxay sheegtay in caasimadda Soomaaliya ay ka shaqeyn doonto diyaarad nuuca loo yaqaano Airbus A320 oo ka kooban 12 kursi oo ah qaybta ganacsiga iyo 120 kursi oo ah qaybta loo […]

Continue Reading