Puntland Oo Digniin Cusub Kasoo Saartay Roobab Xooggan

Wasaaradda Arrimaha deegaanka Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland ayaa soo saartay Digniin Cusub oo ku socota dadka degan Gobolada Bari, Nugaal, Sanaag iyo Sool, waxaana halkaas ku wajahan roobab xoogan oo sababi kara daadad. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda deegaanka Beeraha ayaa waxaa lagu sheegay in afarkaas Gobol laga qabsi qabo inay ka da’aan roobab sababi […]

Continue Reading

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay duleedka Leego

Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose, gaar ahaan tuulooyin u dhaw deegaanka Leego ayaa sheegaya in howlgal ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka samneeyeen halkaas lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab. Howlgalkaas ayaa waxaa fuliyey ciidamo ka tirsan kumaandooska Soomaaliya, waxaana la sheegay in lagu dilay sarkaal iyo dagaalameyaal kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Howlaglka […]

Continue Reading

Madaxweyne Farmaajo Iyo Madaxda M/Goboleedyada Oo Shir Yeeshay

Shir u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa caawa ka furmay magaalada Muqdisho. Shirkaas ayaa ka furmay Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana lagu dhameystirayaa heshiiskii dhawaan laga gaaray arrimaha doorashooyinka. Qodobada looga hadlayo shirkan waxaa ka mid ah dhismaha duddi doorashada oo isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed, […]

Continue Reading

Somaliland Iyo Itoobiya Oo Ka Wada Hadlay Arrimo Kala Duwan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa Magaalada Hargeysa kulan kula qaatay wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo halkaas socdaal ku gaaray. Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka Somaliland iyo Somaliland, sidii loo xoolin lahaa sugida amniga xuduuda labada dhinac. Kulankaas ayaa […]

Continue Reading

Doonyo iyo Maraakiib aad u badan oo maanta ku xayiran dekedda Boosaaso

Wararka aan saakay ka heleyno magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in xeebta Boosaaso ay ku xayiran-yihiin doonyo iyo maraakiib sida shixnado ganacsi.  Doonyo iyo maraakiib ku xayiran xeebta Boosaaso ayaa u raran ganacsato Soomaaliyeed.Waxayna ka soo shiraacdeen qaar ka mkd ah dalalka Carabta, gaar ahaan Cummaan iyo Imaraadiga Carabta. Sababta ka dambeysa […]

Continue Reading

Xal Laga Gaaray Muran Ka Taagnaa Duulimaadyadii Aadi Jiray Gobolada Dalka

Waxaa Goordhow xal buux laga gaaray muran ka taagnaa shaqada duulimaadyadii gudaha ee  ka bixi jiray Garoonka Aadan Cadde, kadib markii ay gadood sameeyeen Shirkadaha duullimaadyada ee aada Gobolada dalka. Warar kalsoonaan karo oo la helaya ayaa sheegaya in hakadkii saakay ku yimid shaqadii Garoonka ay soo fara-geliyeen Maamulka Garoonka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda […]

Continue Reading

Madaxweyne Lafta Gareen oo war ka soo saaray soo xulidda xubnaha BF ee deegaanada KGS

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in deegaanada Koonfur Galbeed ay si cadaalad uga dhici doonto doorashada soo socota ee Labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya. Madaxweynha Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in Koonfur Galbeed ay la socoto dhibaatooyinka laga soo maray dowladnimada sidaas darteedna ay muhiim tahay in la ilaaliyo jiritaanka […]

Continue Reading

Shaqada garoonka Aadan Cadde oo saakay hakad ku jirta iyo Sababta

Waxaa saakay hakad ku jirta shaqadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay gadood sameeyeen sharkadaha duullimaadyada. Dad ku sugan garoonka Aadan Cadde ayaa KNN u sheegay in shaqa joojintan ay salka ku heyso gadood ka dhashay xayiraad ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtay mid kamid ah shirkadaha duullimadyada oo loo diiday […]

Continue Reading

Dagaal xooggan oo ka dhex qarxay labo dal oo dhul ku muransanaa

Dagaal xooggan ay ka dhex qarxay dalalka Armenia iyo Azerbaijan taasi oo la xiriirta muran dhanka xudduuda ah. Dalka Armenia ayaa waxay ku eedeeyeen Azerbaijan inay weerar loo adeegsaday diyaarado iyo hubka altalariga ay soo qaadeen. Waxay sidoo kale wasaarada gaashaandhigga ee Armenia sheegtay inay ka jawaabtay weerar lagu soo qaaday. Xukuumadda Armenia ayaa sheegtay […]

Continue Reading

Trump oo loo haysto in mudo sanooyin ah uusan bixin wax canshuur ah

Wargayska New York Times ayaa wariyay in madawaynaha Mareykanka Donald Trump uusan bixin wax canshuur ah mudo sanooyin ah. Wargaysku waxa uu sheegay in Trump kaliya canshuur ahaan uu u bixiyay $750 sanadkii 2016’kii oo uu ku jiray ololo doorasho iyo sanadkii ugu horeeyay ee uu xafiiska yimid. Warbixinta wargayska ayaa sidoo kale lagu sheegay […]

Continue Reading