Galmudug oo amar ku soo rogtay ganacsatada iibiya Qaadka

Wasaaradda Maaliyadda maamul Goboleedka Galmudug ayaa Ganacsatada Qaadka Hareeriga ah keena degaannada Galmudug ku amartay in ay isa soo diiwaan geliyaan ugu dambeyn 3da Bisha 9aad 2020, si loo siiyo sharci ay ku Ganacsadaan. Wareegto ka soo Baxday Wasaaradda maaliyadda Galmudug ayaa Ganacsatada Qaadka lagu faray in ay ammarkan u hoggaansamaan ciddii ka dhega adaygtana […]

Continue Reading

Mahdi Guuleed oo kulan la qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kulan la qaatay taliska, hoggaannada ciidanka xoogga iyo madaxda wasaaradda difaaca dalka. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dar-dar gelinta iyo dhammeystirka dib-u-habeynta ciidamada. Mahdi Guuleed ayaa saraakiisha kula dardaarmay in la kordhiyo la dagaalanka Al-shabaab iyo sidii loo sugi lahaa amniga dalka

Continue Reading

Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay kitaabkii Qur`aanka ee lagu gubay Sweden

Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) ayaa cambaareeyay nuqul ka mid ah kitaabkii Qur`aanka ee lagu gubay magaalada koofurta Sweden ku taalla ee Malmo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Anadolu. Warbixin uu soo saaray ururka oo fadhigiisu yahay magaalada Jiddah ayaa lagu sheegay in falka gubitaanka kitaabka uu yahay “fal kicin ah” uuna “ka hor […]

Continue Reading

Cabsi soo wajahday gaadiidka istcimaala duleedka afgooye

Nin hubeysan oo sitay dareyska Ciidanka dowladda ayaa ruux shacab ah waxaa uu ku dilay wadada u dhaxeysa Warmaxan iyo Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose. Ruuxa la dilay ayaa kamid ahaa wadayaasha gawaarida degmada Afgooye sida aadka looga yaqaanay degmada  Afgooye. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo ku sugan goobta uu dilka ka dhacay […]

Continue Reading

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindishe-sharciyeedka qareennada Soomaliyeed

Mudanaayasha Golaha Shacabka BJFS ayaa Maanta ansixiyey hindishe-Sharciyeedka Qareenada Soomaliyeed. Hindise-sharciyeedkan ayaa waxaa oggalaatay 139 Mudane, waxaa diiday 2 xildhibaan, iyadoo cid ka aamustayna aysan jirin. Dhanka kale Mudanayasha ayaa weli ka doodaya khrinta 1aad ee hindise-sharciyeedka hay’adda baaritaanka iyo Sharciyadda Beeraha Soomaliyeed. Waxay sidoo kale akhrinta Labaad marsiin doonaan mudanayaashu hindise-Sharciyeedka hay’adda Socdaalka iyo […]

Continue Reading

Mareykanka oo sheegay lacagta Soomaaliya kaga baxda in aysan yeelan wax natiijo ah

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay soo celinta ammaanka Soomaaliya kaligeed ku bixisay $ 5.3 bilyan 20-kii sano ee lasoo dhaafay. ku simaha safiirka mareykanka ee UN-ka, Cherith Chalet, ayaa timaamtay  in lacagtaan faraha badan iyo natiijooyinka ka soo baxa Soomaaliya aysan haba yaraatee isu dhigmin. “Mareykanku wali wuxuu adeegsanayay duqeymo isagoo rajeynayay inuu ku […]

Continue Reading

Shirkadda dayuuraddaha Qadar oo dib u bilaabeysa duulimaadkeedii Soomaaliya

Shirkadda Qatar Airways ayaa ku dhawaaqday inay dib u bilaabayso duulimaadyadeedii asbuuclaha ahaa ee magaalada Muqdisho, caasimadda Soomaaliya laga bilaabo Sebtember 6, 2020. Shirkaddu waxay sheegtay in caasimadda Soomaaliya ay ka shaqeyn doonto diyaarad nuuca loo yaqaano Airbus A320 oo ka kooban 12 kursi oo ah qaybta ganacsiga iyo 120 kursi oo ah qaybta loo […]

Continue Reading

Madaxweynaha wadanka Lubnaan oo ku baaqay in dalkiisa uu qaato nidaamka cilmaaniga

Madaxweynaha Lubnaan, Misheel Cawn, ayaa ku baaqay in dalkiisa uu qaato nidaamka calmaaniyadda, kaasoo uu ku tilmaamay inuu yahay qaabka keliya ee “lagu ilaalin karo wadaniyadda” isla markaana midnimo dhab ah looga hirgelin karo dalkaasi. Mr Cawn ayaa sheegay in awood qeybsiga ku salaysan diimaha ay dalkaasi ku habooneyd 1980-maadkii, xilligaasi oo uu ka soo […]

Continue Reading

Sirdoonka Mareykanka oo joojiyay xogo ay siin jireen Congress-ka

Saraakiisha Sirdoonka Mareykanka ayaa Sabtidi shalay sheegay, in hadda kaddib aysan mudanayaasha Koongareeska la wadaagi doonin, xogaha ku saabsan khatarta faragelinta shisheeye uga iman karta doorashada madaxtinimo ee la filayo in Mareykanka ay ka dhacdo bisha November. War laga soo saaray xafiiska Sirdoonka Qaranka, ayaa lagu sheegay in sababta ay u joojiyeen warbixinnada ay sii […]

Continue Reading

Xildhibaannada golaha shacabka oo beri kulan ku leh Muqdisho

Xildhibaanadda golaha shacabka ee barlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta berito ah kulan ay ku yeelanayaan xaruntooda Ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa uga doodi doona Akhrinta 1-aad Hindise sharciyeedka adeegyada baaritaanka beeraha Soomaaliyeed. Hindise sharciyeedka ayaa waxaa soo diyaarisay wasaaradda beeraha iyo waraabka ee dowladda Soomaaliya. Sidoo kale xilidhibaanada golaha shacabka ayaa lagu wadaa inay […]

Continue Reading