Maraykanka oo xaqiijiyay in ay duqaymo ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Soomaaliya

Waaxda gaanshaandhiga Maraykanka ee Pentagon ayaa xaqiijisay in duqaymo ka dhan ah Alshabaab ay Jimcihii ka fulisay Soomaalia – hawgalka oo ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug ayaa ahaa kii labaad ee toddobaad gudihiis lagu bartilmaameedsanayo kooxaha Jihaad doonka ah. Duqaymahaas ayaa ah kuwii ugu horreeyey ee Soomaaliya ka dhaca tan iyo markii uu maamulka la […]

Continue Reading

Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Oo Ku Wajahan Jubbland.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal (FEIT), iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo ku wajahan maanta Magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka ah Jubbaland. Wafdiga uu horkacayo guddoomiye Maxamed Xasan Cirro ayaa ujeedka safarkooda yahay  dardar-galinta qabsoomidda doorashada baarlamaanka Aqalka sare ee Baarlabaanka Federaalka Soomaaliya  ee dhawaan la filaayo in ay ka bilaabato dalka gaar ahaana Magaalada […]

Continue Reading

Maamul Koonfur Galbeed ma ka soo bixi doonaan Xildhibaano tayo leh maadaama Kuraasta ugu badan taalo?

Xeerka deegaameynta kuraasta ee uu dhawaan ansixyay golaha Shacabka ayaa markii ugu horreysay kuraasta baarlamaanka federaalka ah u qeybiyay 18-kii gobol ee ay Soomaaliya ka koobeyd kahor inta aan la ridin dowladdii kacaanka. 275-ta kursi ee Golaha Shacabka iyo 54-ta kursi ee Aqalka sare ayaa lagu soo dooran doono gobollada marka laga reebo kuraasta xubnaha […]

Continue Reading

Cabdirashiid Janan iyo wasiiro ka tirsan DFS oo soo gaaray Muqdisho

Wasiirkii Ammniga Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ay wehliyaan Wasiiro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho. Shalay ayay aheyd markii degmada Beled Xaawo lagu soo dhaweeyay wasiirkii amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan oo la sheegay inuu heshiis la galay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa qaabilay […]

Continue Reading

Madaxweyne Farmaajo Oo Ergo Madaxweynayaal Ah U Diray Axmed Madoobe Iyo Siciid Deni

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ergo madaxweynayaal ah u diray Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland si  loogu soo qanciyo in ay ka soo qayb-galaan shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Madaxwaynayaasha ergada ah ayaa waxay kala yihiin madaxwaynaha Galmudug, madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo madaxwaynaha Hirshabeele. Maanta ayaa la filayay in ay shir yeeshaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo […]

Continue Reading

DFS oo digniin iyo Hanjabaad u dirtay safiirada beesha caalamka

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ku adkeeyey Danjireyaasha ka howl-gala dalka ilaalinta madaxbannaanida iyo qarannimada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa tilmaamay in qoraallo ay soosaareen Danjireyaasha shisheeye qaarkood ay ka baxsan yihiin shuruucda iyo curfiga diblumaasiyadeed, isagoo xaqiijiyey in dhaqanka noocaas ah aysan aqbalayn shacabka iyo dowladda Soomaliyeed. “Dalalka caalamka waxaannu ka […]

Continue Reading

Dowladda oo si rasmi u shaacisay in ay la heshiisay Cabdirishiid Janan

Wasiirkii hore ee Amniga Jubalad, C/rashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa heshiis la galay dawladda Federal-ka ee Soomaaliya, waxaana manta oo Isniin ah isaga iyo ciidamo uu wata soo gaaray magaalada Beled-Xaawa oo dhacda Xadka Kenya. Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta, C/raxman Yusuf Cumar (Cadaala) ayaa xaqiijiyey in wafdi ka socday dawladda oo isaga kamid yahay ku […]

Continue Reading

Beesha Caalamka: “ma taageeri doono hannaan doorasho oo hal dhinac ah”

Qaramada Midoobay ayaa markale ku celisay in aysan taageereyn doorasho hal dhinac ama aan heshiis lagu eheyn, taasi oo ka dhacda Soomaaliya. Qaraal ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu boorriyay madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad gobolleedyda ee ku sugan Muqdisho, in ay yeeshaan wada-hadalo aan rasmiga aheyn, si loo gaaro heshiis ku aadan […]

Continue Reading

IGAD oo baaq ka soo saartay khilaafka doorashada Soomaaliya

Urur goboleedka IGAD oo war ka soo saaray khilaafka hareeyey doorashada Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey in shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uusan u qabsoomin sidii loogu talagalay. “IGAD waxay ku boorineysaa dhammaan hoggaamiyeyaasha inay ka waantoobaan ficil kasta oo carqaladeynaya dadaallada lagu doonayo in dib loogu bilaabo wadahadalka, […]

Continue Reading

Kenya oo QM ka dalbatay in deg deg loo xiro xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya Fred Matiang ayaa sheegay in muddo 2 todobaad ah ay u qabteen hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR inay ku xirto xeryaha ugu waa weyn ee qaxootiga ee Dhadhaab oo ay ku jiraan dad Soomaaliyeed oo qaxooti ah. Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegtay in wasiirku sheegay in ay ka walaacsanyihiin weerarada […]

Continue Reading