Beesha Caalamka: “ma taageeri doono hannaan doorasho oo hal dhinac ah”

General Somali News

Qaramada Midoobay ayaa markale ku celisay in aysan taageereyn doorasho hal dhinac ama aan heshiis lagu eheyn, taasi oo ka dhacda Soomaaliya.

Qaraal ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu boorriyay madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad gobolleedyda ee ku sugan Muqdisho, in ay yeeshaan wada-hadalo aan rasmiga aheyn, si loo gaaro heshiis ku aadan muranka doorashada.

“Iyadoo ay Muqdisho ku sugan yihiin dhammaan hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Soomaaliya, waxaa hadda la joogaa xilligii wadatashiyo aan rasmi ahayn ay yeelan lahaayeen si ay ugu heshiiyaan sidii horay loogu sii wadi lahaa shir madaxeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ee xubnaha ka ah federaalka loona aado doorashooyinka.

Saaxiibbada caalamku waxa ay mar kale ku celinayaan ” in aysan taageeri doonin hannaan doorasho oo hal dhinac ah ama isbarbar socda  ama tillaabo kasta oo horseedeysa kordhinta muddo xileedkii hore.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *