Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo sabti ah Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku yeeshay kulankii 24-aad kal-fadhigiisa 47-aad, kadib markii ay lasoo laabteen fasax kooban.
Kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa shir guddoomiyay Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, labadiisa ku-xigeen, isla markaana waxa ka qeyb galay kulankaas inta badan Xildhibaanada Puntland.
Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu ahaa soo gudbinta Hindise-Xereedka cusub ee diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha oo u Xildhibaanada usoo gudbiyay Madaxweynaha Puntland Cabdullaahi Deni.
Intaa ka dib waxaa loo qeybiyey Xildhibaannada Hindise-Xereedka si ay ugu sameeyaan akhrinta labaad, si waafaqsan xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada muddo saddex cishe ah ka dibna la horkeeno Golaha si looga doodo.
Hindise-sharciyeedkan uu soo gudbiyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi ayaa waxaa uu mihiim u yahay Hannaanka diiwaan-gelinta Codbixiyaasha Puntland, waxa soo diyaariyay Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland.