TAARIKH NOLOLEEDKA MALAAQ GEEDOW MAXAMED ISXAAQ (BALASH)

General Somali News

Allah uxanriistee malaaq geedow maxamed balash Wuxuu  ahaa afhayeenka guud ee Ugaasyada,malaaq yada, salaadiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda goblka jubada dhexe wuxuu kamid ahaa malaaqyadda jubbaland magac iyo taariikh lama ilabaan ah kudhex lahaa deegaanada jubaland gaar ahaan gobolka jubada dhexe

ALLAH unaxriistee malaaq geedow maxamed balash wxuu kudhashay gobolka jubada hoose  

gaar ahaan tuulada qooqaani  oo udhexaysa. bu’aale iyo af-madow

malaaqu waxa uu dhashay sanadku markuu ahaa  1955 kii

malaaqu waxa uu malaaq u ahaa beeshiisa waxa uuna xilka u hayey muda dhan 23 sano waxa uu xilka qabtay  1992 kii

waxaana lagu caleema saaray degmada saakow

Waxa uu malaaq nimda kala wareegay  malaaq xasan macalin isxaaq aadan ( hasanow maaling)

wuxuu  xilka ku wareejiyey malaaq maxamed cali aadan(mad haliima) sanadii 2014  

malaaq geedow madbalash

wuxuu ahaa qof ahlu Diin ah, wuxuu ahaa qof aftahan ah, wuxuu ahaa

qof u istaagan xalinta khilaaf beeladyada,wuxuu ahaa qof nabada kashqeeya,  wuxuu ahaa malaaq u dhexeeya beelaha ledegan gobolka wuxuu ahaa malaaq beesha kasoojeedo  beesha leysaan ee degta gobolka jubada dhexe

malaaq geedow wuxuu dhintay 8/8/2015 wuxuuna kudhintay magalada mogdisho kadib xilwareejintiisii ahayd 26/12/2014

malaaqa waxa uu Ifka kaga tagay Caruur dhowr iyo toban ah oo kala ah

 (todoba wiil iyo saddex gabdhood)

Malaaq geedow madbalash wuxuu ahaa qof dadaal badan kubixin ogaa waxbrashada ilmaha oo dhalay

Waqti siiyey ilmihiisa sidii ay heerka waxbarashada meel fiican oga gaari lahaayeen mid diin iyo maadiba

Manta waa kuwa lagu faani karo heerkooda waxbarsho halka qaar ay dhameyeen heerka jamacda

Qaar ay dhigtaan dusiga sare kuwakalana ay wadaan heerka hoose ee waxbarashada  manta ugaaska wuxuu katagay dad waxbaratay bulshadana waxtar uleh iyaguna ay yihiin kuwa bulshada kudhexleh magac iyo maamus ay kugaareen dadaalki waxbarasho lagiliyey waqtiga faraha badnaa oo uhuray abahooda

Malaaq geedow maxamed balash waxaa labaatankii sano ee la soo Dhaafay si weyn loogu

Xasuustaa ka qeyb galkii iyo Kaalimahii uu ku lahaa Nabada iyo Shirarka Soomaalida ee ka dhici jiray

Kuwaasoo oo  kuwii ugu dambeeyay Ka qeyb galay Shirarka kala ah shirkii ambagaati  ee Kenya 2004 iyo sharkii dib u heshiisiinta qaran ee 2007

 Allaha u Naxariista malaaq geedow maxamed balash wuxuu ahaa shaqsi aqoon yahan ah,oo aftahan ah, inta badanna kadhex muuqday dib u heshiisiinta iyo wacyi gelinta bulshada soomaaliyeed

Waxa qoray,   Aqoon yahan :saciid malaaq geedow maxamed isxaaq  (balash)

Tagged

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *