Faah Faahin:-Dad Lagu Afduubtay Gobolka Hiiraan Oo Saaka Lasii Daayay

General Somali News

Dad shacab ah oo saarnaa gaari Laan-guruusal ah ayaa waxaa maalmo kahor lagu afduubtay deegaan hoostega degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana falkaas ka dambeeyay maleeshiyaad hubeysan.

Dadka la afduubtay oo gaarayay 5 ruux ayaa waxaa la sheegay in laga qabtay, xili  ay ku socdaalayeen wadada u dhexeeysa Baladweyne iyo degmada Matabaan ee Hiiraan, isla markaana lala aaday dhinaca deegaano Miyi ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee la helayo ayaa sheegaya in dadkaas oo ay afduubteen rag hubeysan oo maleeshiyaad ah saakay la sii daayay, kadib markii lacag la siiyay, waxaana gaariga lagu waday dadka uu gaaray Matabaan.

Maleeshiyaadka ayaa la tilmaamay in dadkaas ay u qabsadeen arrimo la xiriira aano qabiil iyo dilal horey u dhacay dartood, wallow maalmo ay heysteen dadkaas lagu guuleystay in la sii daayo.

Deegaano iyo degmooyin hoostega degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay dilal qorsheysan iyo weeraro la xiriira aano qabiil oo ay geysteen rag hubeysan, kuwaasi oo falalka kadib baxsaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *