Golaha Muslimiinta Faransiiska Oo Ka Hadlay Hadalkii Madaxweyne Erdogan

General Somali News

Golaha Muslimiinta Faransiiska ayaa sheegay in dalkaas aanu dhibaato ku hayn dadka ku nool ee haysta diinta Islaamka, xilli uu meel adag gaaray khilaafka u dhexeeya xukuumadda Paris iyo qaar kamid ah dalalka Muslimiinta.

Hadalka golahaas ayaa daba socda khudbad uu jeediyay Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan, taasoo uu ku sheegay in Muslimiinta Yurub dhibaato lagu hayo, isla markaana ay marayaan xaaladdii haysatay Yuhuudda ka hor dagaalkii labaad ee dunida.

Madaxweyne Erdogan ayaa ugu baaqay shacabkiisa inay joojiyaan iibsashada alaabaha lagu sameeyo Faransiiska, waxaana uu ka dalbaday Midowga Yurub inuu wax ka qabto ajandaha Macron ee Islaamka ka dhanka ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Khudbad uu teleefishinka ka jeediyay, Erdogan wuxuu ugu baaqay hogaamiyeyaasha caalamka inay difaacaan muslimiinta waa haddii ‘Farasniiska ay ka dhacaan tacaddiyo ka dhan ah islaamka’ Erdogan wuxuu si caro leh u dhaleeceeyay hadalka kasoo baxay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee ku aadan difaacidda fikradaha cilmaaniga.

Wuxuu hadalka Erdogan imaanayaa kaddib markii dhawaan la dilay macalin Faransiiska u dhashay oo ardeydiisa tusay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *