Donald Trump oo soo duubay muuqaal uu uga hadlayo xaaladdiisa caafimaad

General Health

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo duubay muuqaal uu uga hadlayo xaaladdiisa caafimaad, isagoo ku jira isbitaalka Walter Reed oo la seexiyey, kadib markii laga helay cudurka Coronavirus.

Trump ayaa shacabka Mareykanka u xaqiijiyey inuu kasoo raynayo tan iyo markii isbitaalka la seexiyey, uuna dhowaan kusoo laaban doono ololaha doorashada.

“Waxaan imid halkan ayada oo xaalkeyga uusan fiicneyn. Hadda waxaan dareemayaa inaan kasoo raayey. Waxaa aad looga shaqeynayaa inaan sideeda kusoo laabto. Waxaan ku qasbanahay inaan soo laabto, sababtoo ah waxaan weli u baahanahay inaan America ka dhigno mid weyn,” ayuu yiri Trump oo muuqaal soo duubay.

Trump ayaa sheegay in dhakhaatiirtu u qabteen 48-ka saac ee soo socda, taasi oo xaaladdiisa caafimaad kala caddeyn doonto. Haddii aanay kasii darin waxay u badan tahay inuu cudurka ka kaco, hase yeeshee haddii ay ka darto wuxuu wajihi doonaan xaalad halis.

Hoos ka Daawo Muuqaalka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *