Warar aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay duleedka deegaanka Yaaqbari-weyne ku gubeen laba gaari xamuul ahaa.
Labada gaari oo sida la sheegay mid uu dhul siday kuna soo jeeday Muqdisho, midna ku sii jeeday deegaanka Yaaqbari-weyne ayaa waxaa dhex u galay koox la aaminsanyahay inay ka tirsantahay Al-Shabaab, kuwaas oo dab qabadsiiyay gaadiidka.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxdaasi ay jirdil u geysatay qaar ka mid ah dadkii watay gaadiidkaas, halka qaarna ay ka baxsadeen goobta, iyagoo ka baqaya inay waxyeello soo gaarto.