Dagaal xooggan oo ka dhex qarxay labo dal oo dhul ku muransanaa

General Somali News

Dagaal xooggan ay ka dhex qarxay dalalka Armenia iyo Azerbaijan taasi oo la xiriirta muran dhanka xudduuda ah.

Dalka Armenia ayaa waxay ku eedeeyeen Azerbaijan inay weerar loo adeegsaday diyaarado iyo hubka altalariga ay soo qaadeen.

Waxay sidoo kale wasaarada gaashaandhigga ee Armenia sheegtay inay ka jawaabtay weerar lagu soo qaaday.

Xukuumadda Armenia ayaa sheegtay inay soo rideen diyaaradaha nooca Helekoobtarada islamarkana ay burburiyeen Taangiyo ayna ku dhawaaqeen xaalad militari oo degdeg ah.

Labada dal ayaa ku muransan gobolka Nagorno-Karabakh islamarkana waxaa halkaas horey ugu dhaexmaray isku dhacyo kooban.

Gobolka ayaa caalamku u aqoonsan yahay in uu ka tirsan yahay Azerbaijan, balse waxaa gacanta ku haya dad asalkoodu yahay Armenia.

Armenia iyo Azerbaijan ayaa waxaa ay labaduba ka tirsanayeen xukunkii Shuuciga ahaa ee xilligii midowgii Soofiyeet.

Iyada o ay dagaalada socdaan, ayaa madaxwaynaha Azerbaijan Ilham Aliyev waxaa uu sheega in uu ku kalsoon yahay in dib ay gacanta ugu dhigi doonaan gobolkaasi ka go’ay.

Xaalad militari ayaa sidoo kale lagu soo rogay qaar ka mid ah gobolada dalka Azerbaijan.

Muranka buuraleyda Caucasus ayaa ahaa mid soo daba jiitamayay muudo 30 sano ah islamarkana aan xal loo helin in ka badan 30 sanadood.

Isku dhac bishii July ku dhexmaray labada dal xudduuda ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 16 qof taasi oo ay ka dhasheen dibadbaxyo ballaaran oo ka dacay caasimada Azerbaijan ee Baku, waxayna dadku ku baaqayeen in dib gacanta loogu soo dhigo gobolkaasi.

Axaddii, madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa taageero u ballanqaaday Azerbaijan, halka Ruushka oo caadiyan taageera islamarkana ay saaxibo dhaw yihiin Armenia, uu ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan xabadda loo joojiyo.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa dhaniisa ugu baaqay labada dal in ay joojiyaan dagaalka xooggan ee ka dhex qarxay.

BBC

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *