Barasaabka Ismaamulka Garissa oo beeniyay eedeymaha lagu soo oogay

General Somali News

Barasaabka Ismaamulka Garissa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya Cali Bunow Qorane oo saakay la soo taagay Maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa lagu soo oogay eedeymo musuqmaasuq ah.

Eedeymahan waxaa ka mid ah inuu ku guul darreystay maamulka lacagihii dadweynaha ee Ismaamulka.

Cali Bunow ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay.

Guddiga Anshaxa iyo La dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa shalay soo xiray Barasaabka Ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *