Al-Shabaab oo 4 Ruux xukun Toogasho Ku Fuliyay

General Somali News

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa goob fagaare oo ku taalla Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa ay ku toogteen Afar Ruux  oo ay ku eedeeyeen inay sirdoon u ahaayeen Mareykanka, Qaramada Midoobay, Dowladda Federaalka iyo Kenya.

Al-shabaab ayaa sheegtay in afarta ruux oo dhammaantood rag ahaa ay dhibaatooyin kala duwan geysteen, isla markaana ay ahaayeen sirdoon la shaqeynayay Hay’addo kala duwan, ayna  Maxkamadooda ka qirteen inay sirdoon ahaayeen.

Sidoo kale Shabaab ayaa dadweyne farabadan isugu geeyay goobta uu xukunka dilka toogashada ahaa ka dhcaayay, waxaana ragga la toogtay lagu  kala Magacaabi jiray:

1-Maxaamd Aadan Xassan (Maxamad Kheyr) oo 51 jir ah laguna eedeeyay inuu la shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka iyo Qaramada Midoobay kuwaas oo uu  kulasoo kulmay xerada Xalane.

2- Cusmaan Faarax Dhaqane oo 27 jir ahaa ayaa isna la shaqeynayay BS-ta ama Sirdoonka Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Mareykanka.

3- Cali Cabdiraxmaan Cabdi, oo 33 jir ahaa ayaa sirdoon u ahaa sirdoonka Dowladda Federaalka “BS”.

4- Cabdi Sahal Dhabbar (Cabdi Xarqi) oo 57 jir ah  waa ninkii ugu da’da weynaa ragga shalay lagu toogtay Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, waxaana lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay Sirdoonka Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *