Deni oo kulan la qaatay xubnaha Puntland ku metala baarlamaanka Soomaaliya

General Somali News

Madaxweynaha Dowladd goboleedka  Puntland   Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay  waxaa uu Muqdisho kula kulmay xubnaha Puntland ku metala baarlamaanka  Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay xubnahan warbixin ku saabsan xaalada guud ee deegaanada Puntland iyo tan  Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda doorashada ee dalku marayo iyo dadaalka Puntland ugu jirto inay qabsoomto Doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda dhacda.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka intiisa badan diirada lagu saaray arimaha doorashooyinka, iyadoona la isku afgartay in xal siyaasadeed laga gaaro doorashada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in madaxweynaha Puntland uu weli kulamo ka wado magaalada Muqdisho, kaasi uu kula qaadanayo siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *