Ciidanka Danab oo howlgal ka sameeyay Waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar

General Somali News

-Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan ururka 4-aad guutada 16-aad ee kumaandooska Danab ayaa howlgallo ka sameeyay waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Howlgalkaan oo ahaa mid waddada looga nadiifinayo maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab oo si dhuumaaleysi ah shacabka ugu dhibi jiray  inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar ayey Ciidanku ku dileen dhagar qabayaal rabay in ay dhibaateeyaan dadka rayidka ah ee waddada isticmaala.

Taliyaha urur 4-aad guutada 16-aad ee Kummaandooska Xoogga Dalka ee Danab    ayaa sheegay in intii ay ku guda jireen howlgalka ay waddada ka soo saareen  Miinooyin maleeshiyaadka Al-shabaab ay galiyeen inta udhexeeysa degmada Balcad iyo magaaladda Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *