Madaxweynaha Jubbaland Oo Goordhow Gaaray Garoowe

General Somali News

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Goordhow gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Safarka Axmd Madoobe ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan maamulkiisa, waxaana Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Mas’uuliyiin kale, isla markaana waxaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada.

Ujeedka Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa uu yahay sidii uu kulan ula qaadan lahaa dhigiisa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoo ka wada hadli doona Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Doorashada.

Labadaas maamul ayaa ka qeyb gelin Shirkii dhawaan Madaxweyne Farmaajo, qaar kamid ah Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo heshiis looga gaaray Doorashada dalka.

Jubbaland iyo Puntland ayaa caddeeyay inay ka horjeedan qodobadii kaso baxay Shirkii Madaxda, iyagoona sheegay in Dowladda ay fulin weyday heshiisyadii shirarkii Dhuusamareeb 1 iyo 2, waxaana inta uu ku sugan yahay Madaxweynaha Jubbaland Garoowe uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa waxgaradka iyo siyaasiyiinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *