Xildhibaanada golaha shacabka oo iska diiday ajandahoodii kulanka maanta

General Somali News

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa iska diiday meel marinta ajandaha kulankooda maanta.

Ajendaha ayaa ahaa marsiinta akhrinta koowaad ee sharciga dembiyada la xiriira ee galmada, oo horay looga dalbaday baarlamaanka inay ansixiyaan, maadaama baahi weyn loo qabo.

Xildhibaanada ayaa diidmadooda ajandahaas ku saleeyey in sharcigaas uu ku jiro qodob ka soo hor jeeda diinteena Islaamka, iyaga oo dalbaday in wax laga soo bedelo qodobkaas.

Sharcigaas ayaa waxaa horkeenay xildhibaanada guddiga xaquuqul insaanka ee golaha shacabka, waxaana loo ballamay habeen dambe si looga saaro qodobada diinta Islaamka ka hor imaanaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *