Kooxda Inter ayaa xaqiijisay saxiixa weeraryahanka Manchester United Alexis Sanchez

General Sports

Sanchez ayaa qalinka ku duugay heshiis seddex sano ah oo uu la joogayo kooxda Serie A ka dib amaah xilli ciyaareed ah oo uu ku qaatay kooxda Antonio Conte.

31 jirka reer Chile ayaa United kaga soo biiray Premier League kooxda ay xafiiltamaan ee Arsenal 2018, laakiin waxa uu ku guuldareystay inuu muujiyo waxa uu awood u leeyahay Old Trafford.


Sanchez ayaa lagu soo waramayaa inuu si xor ah ugu biiray Inter ka dib markii United ay burburisay qandaraaskiisa, kaasoo la sheegay inuu mushahar ahaan u qaadanayay 560 kun ginni isbuucii.


Waxa uu dhaliyay afar gool 29 kulan uu u saftay Nerazzurri ka dib markii uu u soo wareegay San Siro bishii Ogosto ee lasoo dhaafay.


Sanchez ayaa shabaqa soo taabtay shan jeer 45 kulan oo uu u saftay Red Devils ka dib markii uu kooxda yimid bishii Janaayo 2018 heshiiskii uu Henrikh Mkhitaryan ugu dhaqaaqay Arsenal.


Tababaraha United Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaca ka qaaday in Sanchez uu ku laaban doono Inter ka dib guushii 2-1 ee lugta labaad ee wareega 16ka Europa League ee Arbacadii.


“Waan xaqiijin karaa inuu ogolaaday, anaga waan ogolaanay. Alexis waqtigiisa ayuu ku riyaaqay,” ayuu yiri.


“Way jeclaayeen isaga, dabcan taasi waa wareegid u wanaagsan isaga. Waxaan u rajeynayaa wax walba oo wanaagsan. Waa ciyaaryahan sarre oo aan rabno inaan aragno in uu ciyaaro kubadiisa ugu fiican.


Sabab kasta ha noqotee, maanaan arkin kan xirdadiisa ugu sareysay Alexis, laakiin waa nin xirfad sare leh, waxaana u rajeyneynaa wanaag oo dhan. ”


Sanchez ayaa wajihi kara United finalka Europa League ka dib markii Inter ay sidoo kale gaartay wareega 8da ka dib guushii ay ka gaartay kooxda Getafe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *