Madaxweyne Qoor Qoor oo U Ambabaxay Dalka Turkiga

General Somali News

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isagoo kusii jeeda dalka Turkiga.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa inta uusan ka dhoofin Garoonka diyaaradaha ayuu la hadlay warbaahinta, waxaana uu sheegay in Safarkiisa uu yahay mid la xiriira Arrimo shaqo oo maalmo kooban qaadan doona.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Madaxweynaha Galmudug in wejiga saddexaad ee Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada uu waqtigii lagu balamay uu ka qabsoomi doono Shirkaas Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Fadaraalka, iyo Dowladaha xubnaha ka ah, doorkii wacnaa oo ay ka qaateen qabsoomida shirarkii hore, isagoona ku baaqay in shirka 15 Agoostana si mugleh looga soo qeyb-galo una rejeeyey inuu ku dhammaado guul iyo is afgarad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *