Somaliland Oo War Kasoo Saartay Xilka Qaadistii Xasan Cali Kheyre

General Somali News

Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay Go’aankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay kalsoonidii ugala noqdeen Ra’iisul Wasaarihii dalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Xukuumaddiisii.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Gaaxnuug  ayaa waxaa uu sheegay in Mas’uuliyad darro weyn ay aheyd tallaabadii ay Xildhibaanada Golaha Shacabka xilka qaadista ugu sameeyeen Kheyre oo shaqo badan ka qabtay.

Wasiir Gaaxnuug oo la hdlaayay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay Go’aakaas Deg dega ahaa uu aduunka oo dhaqan iyo Somaliland ku noqday layaab, isla markaana uu ahaa mid ay ka muuqato mas’uuliyad darro.

Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in 30 daqiiqo gudahood ku dhacdo Xukuumadii Federaalka ay Somaliland wada-hadalka kula jirta.

Waxaa kaloo uu sheegay isaga oo hadlkiisa sii wata Wasiir Liibaan Yuusuf Gaaxnuug in Somaliland aysan wax isbedel ah ku yeelan doonin xilka qaadista Xasan Cali Kheyre, hayeeshee uu Dowladda Somalia kala dhexeeyo Somaliland wada-hadallo.

Si kastaba Xildhibaanada Golaha Shacaka ayaa 24-kii bishii lasoo dhaafay xilka qaadis ku sameeyay Ra’iisul Wasaarihii dalka Xasan Cali Kheyre, iyadoo ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo uu aqabalay Go’aankaas, sidoo kalena Kheyre uu qabalay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *