Aktar dhintay oo filimkiisa si aan caadi ahayn loo daawaday

General Somali News

Shirkadda filimada siideysa ee lagu magacaabo Disney+ Hotstar ayaa filimkii abid ugu daawadashada badnaa ee ay soo bandhigeen u aqoonsatay Dil Bechara, oo ah filimkii ugu dambeeyay ee uu jilay atoorihii Bollywood-ka ee bishii lasoo dhaafay geeriyooday, Sushant Singh Rajput.

Filimkan, oo daawasho layaab leh helay, ayaa 24-kii saac ee ugu dambeysay khadka internet-ka looga daawaday ilaa 95 milyan oo jeer.

Tiradan waxaa soo bandhigtay shirkad madax bannaan oo dabagal ku sameyneysay filimka cusub.

Sida uu daabacay wargeyska Mid-Day, Ormax Media, oo wakiil ka ah shirkadda, ayaa aaminsan tirada daawashada ee uu helay Dil Bechara lala barbardhigi karo daawashadii uu heystay musalsalkii cajiibka ahaa ee laga sii daayay HBO, Game of Thrones. Hase yeeshee ma aysan sii faahfaahinin xogta.

“Haddaad doontid waxaad isbarbar dhigi kartaa daawashada filimkan Dil Bechara iyo tii musalsalkii Game of Thrones, waxaana suurtagal ah inuu intaas kasii bato”, ayaa lagu yiri war laga soo saaray shirkadda filimkan shaacisay.

Atooraha soo jilay filimkan ayaa geeriyooday 14-kii bishii June, ka hor inta aan lagu dhawaaqin muddada filimkiisa lasii deyn doono.

Filimkan waxaa si bilaash ah u daawan kara dadka shirkaddaas ku taxan iyo kuwa cusub labadaba.

Dhawaan shirkadda filimada laga daawado ee Netflix ayaa shaaca ka qaadday filimkeedii loogu daawashada badnaa, kaasoo noqday Extraction. Waxay shirkaddu sheegtay in filimkaas uu helay 99 milyan oo daawasho ah, laakiin waqtigaas wuxuu ahaa muddo hal bil gudaheed ah.

Dhinaca kale, musalsalka Game of Thrones, oo caalamka uu si weyn uga daba dhacay ayaa qeybtiisii ugu dambeysay waxay xalaqo kasta oo ka mid ah heshay daawasho dhan 44 milyan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *