Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Al-Bashir oo maanta la maxkamadeynayo

General Somali News

Maxkamadaynta Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa maanta ka bilaabaneysa magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Sudan.

Cumar Al-Bashiir oo 76-sano jir ah ayaa lagu soo oogayaa dacwado ay ka mid yihiin ku tumashada dastuurka, u adeegsiga awood ciidan dad rayid ah oo dhigayey dibadbaxyo iyo inuu afgambi xukunka uga tuuray dowlad lasoo doortay.

Dacwad oogayaashu waxay sheegeen in kiisaska loo heysto Cumar Xasan Al-Bashiir ay tiro beeleen, hase ahaatee waxaa uu wijihi doonaa dacwado la xariira dambiyo dalkaas ka dhacay, intii uu xukunka hayay.

Madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Al-Bashiir ayaa xabsi ku jiray tan iyo markii xukunka laga tuuray sanadkii hore ee 2019-kii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *