Madaxweyne Axmed Modobe oo kulan la qaatay Xildhibaanada labada Aqal ee Jubbaland

General Somali News

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Hoyiga uu ka dagan yahay Magaalada Dhuusomareeb kula kulmay Xildhibaanad labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ku matala Jubbaland.

Kulankan ayaa ahaa mid la isku xog waraysanayay Xaalada guud ee dalka uu marayo iyadoo Madaxweynahu uu dhamaan Xildhibaanada Jubbaland ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu ku marti qaaday Jubbaland si looga wada tashado Arimaha masiiriga ah ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *