Gabar reer Afgaanistaan ​​ah oo waalidkeeda u aargudeysa ayaa toogasho ku dishay laba ka mid ah dagaalyahanada Talibaan

Editorial General

Gabar reer Afgaanistaan ​​ah ayaa toogasho ku dishay laba ka mid ah dagaalyahanada Talibaanka isla markaana ay ku dhaawacday tiro intaa ka badan ayadoo adeegsaneysa AK47 kadib markii ay waalidkeed ku dileen gurigooda bannaankiis.

Maleeshiyaad ku sugan bartamaha gobolka Ghor waxay weerareen guriga da ‘yarta Qamar Gul usbuucii hore iyagoo raadinaya aabaheed, oo ah madaxa tuulada, ka hor inta aysan tooganin waalidkeed.

Gul ayaa markaa ka soo baxday guriga iyada oo wada qori ay leeyihiin qoyskeeda oo ah AK-47 waxayna furtay rasaas, iyada oo dishay labada dagaalyahan ee Taliban oo dilay hooyadeed iyo aabeheed isla markaana dhaawacay dhowr kale.

Aabaheed wuxuu ahaa taageere dawladeed, waana sababtaas tan dagaalyahanada Taliban ay gurigiisa u aadeen una qaarijiyeen.

Markii ay xaaskiisu iska caabisay, ugu danbeyntii dagaalyahanada Taliban waxay ku dileen lammaanaha banaanka gurigooda, taliyaha booliska maxalliga ah Habiburahman Malekzada ayaa yidhi.

‘Qamar Gul, oo guriga ku dhex jirtay, waxay qaadatay qori AK-47 ah oo ay qoysku leeyihiin oo ay markaana ay toogatay labada dagaalyahan ee Taliban oo dilay waalidkeed, ka dibna dhowr kale ku dhaawacday,’ ayuu yidhi.

Gul waxay da’deedu u dhaxeysaa 14 iyo 16, sida ay sheegeen saraakiisha kaladuwan. Waa wax iska caadi ah in dad badan oo reer Afqaanistaan ​​ah aysan ogeyn da’dooda saxda ah.

Dhowr dagaalyahano kale oo Taliban ah ayaa markii dambe u yimid inay weeraraan gurigeeda, laakiin qaar ka mid ah dadka tuulada iyo malleeshiyaadka dawladda taageersan ayaa ka eryay kadib markii ay rasaas ay is waydaarsadeen.

Ciidamada amaanka Afghanistan ayaa hada Gul iyo walaalkeed ka yar geeynaya meel aamin ah, ayuu yiri Mohamed Aref Aber, afhayeenka gudoomiyaha gobolka.

Tan iyo dhacdadan, shabakadaha warbaahinta bulshada ayaa tabinayay barnaamijyo lagu amaanayay falkii ‘geesinimada’ Gul.

“Waan ognahay in waalidiinta aan la bedeli karin, laakiin aargudashadaada ayaa ku siin doonta nabad daganaansho,” ayuu yiri Maxamed Saalax qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Kooxda Taliban waxay si joogto ah u laayaan dadka tuulada ay ku tuhmaan inay yihiin kuwa u shaqeeya dowladda ama ciidamada amniga.

Bilihii la soo dhaafay, xagjiriintu sidoo kale waxay sare u qaadeen weeraradooda ka dhanka ah ciidamada amniga inkasta oo ay ogolaadeen wadahadalada nabada ee Kabul.

DAILY MAIL

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *