Roob xoog leh oo ka da’ay Muqdisho iyo Saameyn ka dhalatay

General Somali News

Roob Lagu qabowsaday  ayaa xalay ilaa iyo saakay ka da’ay guud ahaan Magaalada Muqdisho, iyadoona saameen uu ku yeeshay  isku socodkii magaalada iyo sidoo kale dadka barakacayaasha ah.

Barakacayaasha oo guryahoodii ka sameysnaa cooshadaha ayaa waxaa u galay biyo aad u badan, iyadoo xalay oo dhan aanay seexan dadka barakacayaasha , mana jirin wax gurmad ah oo ay heleen, iyadoona roobka uu geystay khasaaro hantiyadeed.

Sidoo kale, roobkan ayaa biyo dhigay waddooyin waaweyn ee  magaalada Muqdisho, isaga oo saameeyey isku socodka magaalada.

Wadada Wadnaha iyo qeybo ka mid ah wadada Makka Al-mukarrama waxaa buuxsamay ciid ama carro, taasi oo ka timid xaafadaha ku dhow waddoyinkaasi, iyadoo gaadiidka ay ku dhib qabaan marista waddooyinkaas.

Sidoo kale Xaafadaha degmooyinka qaar ayaa xalay waxaa buux dhaafiyay biyaha roobka, iyadoona la arkayay, iyagoo dadka daabulaya Biyaha roobka.

Dhanka kale Guddoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay inay u gurmadeen qaar kamid ah Qoysas ku nool degmada Boondheere,isla markaana ay soo badbaadiyeen dad ku dhow 50 Qoys.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir uu Maanta bilaabi doono howlo gurmad ah oo sidoo kale lagu furayo wadooyinka uu roobka xiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *