Wasiir Beyle Oo Ka war bixiyay Saameynta Dhaqaale ee Covid 19 uu Ku Yeeshay Dalka

General Somali News

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka warbixiyay saameynta dhaqaale ee uu la yimd cudurka Covid 19 iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay xoojinta koboca dhaqaale.

Wasiirka, ayaa Xusay in uu hoos u dhac xoogan uu ku yimid dhaqaalihii ka imaan jiray dekedah iyo Garoomada diyaaradaha,taasina ay sababtay in ay yaraadaan dhaqaalihii soo galayey wasaaradda maaliyadda,loona baahday Kab miisaaniyadeed oo la weydiisto caalamka.

Wasiir eyle,ayaa ka dhawaajiyay in isbadal lagu sameeyay miisaaniyadda , ka dib markii 70 milyan uu hoos u dhacay daqligii kutalagalka ee u degsanaa dowladda,wuxuuna intaa raaciyay in dadaal weyn loo galay sidii Dowladu ay u dabooli laheyd baahida adeegyada bulshada,isla markaana looga hortagi lahaa cudurka Korona Virus.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane C/Raxmaan Ducaale Beyle, waxa uu ka mahadceliyay dadaalka beesha caalamku ay u galeen ka gortagga cudurka Covid 19,Isagoo qiray in haddii,laga gudo marxaladda cudurka lagu dhaqaaqi doono kordhinta dhaqqalaha dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *