Madaxweyne Waare Oo Dhuusamareeb Kula Kulmay Saraakiil Ka Tirsan AMISOM

General Somali News

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo Ku sugan Magaalada Dhuusa Mareeb ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee Sectore 4 ee fadhigoodu Yahay Magaalada Beledweyne, waxaana ay ka wada hadleen Xoojinta iskaashiga amniga Hirshabelle iyo Galmudug.

Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay arrimaha amniga waxaana madaxweynaha Hirshabeelle uu ka xog wareystay saraakiisha ciidamada AMISM qeybtooda Sectore 4 isaga oo ku ammaanay kaalintooda xaqiijinta amniga deegaanada maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Maamulada Galmudug iyo Hirshabeele ayaa wadaaga deegaano dacalka isku haya kuwaas oo u baahan in ay amnigooda si wadajir ah uga shaqeeyaan dhinacyadu,inkasta oo aad uu u wanaagsanyahay xiriirka labada maamul.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *