Madaxweyne Lafta Gareen iyo wafdigiisa oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

General Somali News

Waxaa goodhaweyd gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo qaar kale oo ka tirsan xukuumadda Galmudug.

Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa u tagay magaalada Dhuusamareeb si uu uga qayb galo shirka madaxda maamul goboleedyada maanta uga qabsoomaya magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxaa ku soo wajanahan magaalada Dhuusamareeb madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland oo iyaguna la filayo in saacadaha soo aadan ay gaadhaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *