Booliska soomaaliya oo ka hadlay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

General Somali News

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Qarax miinada dhulka lagu aaso ah oo maanta ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho,kaasi oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Dhame Sadiiq Aadan Cali.

Qaraxan oo ka dhacay ag agaarka Taleex ee degmada Hodan abaaro 10:00 barqanimo ayaa qabsaday gaari nuuca (Landcruser-ka) ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliyeed,waxaana ku dhintay 2 askari halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaasi oo la socday gaarigaasi oo miinadu ay la kacday.

“Waxaa saaka dhacay qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso oo soo boodada ah,waxaana ay lakacday gaari ay saarnaayeen askar ka tirsan booliska,2 askari waa ay ku geeriyootay,2 kalena waa ay ku dhaawacyeen, oo gaariga la socday,mana jiraan dad shacab ah oo waxyeelo soo gaartay”. Sidaasi waxaa yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *