Bandow Lagu Soo Rogayo Dhuusamareeb

General Somali News

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa la filayaa inuu si rasmi ah uga dhaqan galo Bandow adag oo lagu soo rogayo inta uu socdo Shirka Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka oo halkaas ka furmaya.

Go’aanka Bandowga lagu saarayo Dhuusamareeb ayaa waxaa uu qeyb yahay qodobo laga saaray Shir looga hadlay Arrimaha amniga oo shalay lagu qabtay halkaas, waxaana shirka ka qeyb galay Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Galmudug ayaa sheegay in Bandowga uu dhaqan geli doono Maalinta berri, isla markaana waxaa uu saameeyn ku yeelan doonaa dhaq-dhaqaaqyada Bulshada sida Ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka ayaa Maanta tagaya Magaalada Dhuusamareeb, si ay uga qeyb galaan Shir ay halkaas ku yeelanayan, kaasi oo looga hadli doono Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Ammaanka guud ee Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana inta badan Waddooyinka ku yaalla halkaas lagu arkayaa Ciidamo kala duwan oo gaadiidka baaritaano ku sameeynaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *