Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa maanta xarriga ka jaray MCH ka degmada Xamarweyne oo dib udhis lagu sameeyay.
Dib u dhiska lagu sameeyay Xaruntan Caafimaad ee MCH ka degmada Xamarweyne ayaa waxaa iska kaashaday Maamulka Gobalka banaadir iyo Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.
Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka ee arrimaha Bulshada iyo Wacyigalinta Marwo Basma Caamir, Mas’uuliyiin ka tirsan Xamarweyne iyo xubno kale.
“Waxaan xariga ka jarnay MCH ka degmada Xamarweyne oo dib u dayactir lagu sameeyay, waxayna qeyb ka tahay horumarinta Goobaha Caafimaadka iyo u adeegida Bulshada Caasimadda” ayay tiri Basma Caamir Jakeeti.