Ciidanka xoogga dalka oo nolosha ku qabtay xubno Shabaab ah kuwo kalena dilay

General Somali News

Ciidanka xoogga dalka qeybsiita 60-aad ee gobolka Bay ayaa howlgallo ay ka sameeyeen duleedka deegaanka Awdiinle waxay ku dileen laba dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab, iyagoo noqosha ku qabtay laba kale.

Ciidamada ayaa soo bandhigay xubnahaas ay ku soo qabteen howlgalka iyo qoryihii ay wateen.

Taliyaha qeybta 60-aad ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cismaan ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabaka Sida u sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheeysan ayna fulinayeen guutada 8-aad qeybta 60-aad ee xoogga dalka.

Degaanka Awdiinle ayaa qiyaastii 30-KM u jira magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay, waxaana shalay deegaankaas weerar toos ah ku qaaday ururka Al-Shabaab, in kastoo maamulka deegaanku uu sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ay fashiliyeen weerarkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *