Galmudug oo Ciidamo Cusub tababar u furtay

General Somali News

Ciidamo la qorsheynayo in ay ka mid noqdaan Ciidamada daraawiishta Maamulka Galmudug ayaa tababar uga furmay xerada Ciidamada dhaan karoone ee ku taala duleedka deegaanka Galinsoor ee gobalka Galguduud.

Tababarkaan oo socon doona sida uu sheegay wasiirka amniga Galmudug muddo dhowr bilood ah ayaa waxaa furitaankiisa la hadlay wasiirka wasaarada Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, waxaa uuna sheegay in Ciidamada tababarka looga furay xerada dhaan karoona ay qeyb ka yihiin Ciidamada loo carbinayo kuwa daraawiishta Galmudug kuwaas oo qaarkood mudooyinkii u danbeeyay uu tababar uga socanayay xerada Indha qaris ee ku taala duleedka deegaanka Docol ee gobalka Mudug.

Wasiirka ayaa waxaa uu ciidamada ka dalbaday in ay ka shaqeeyaan horumarka deegaanada maamulka Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *