Dowlada Gambia oo ku gacan seyrtay dalab uga yimid Somaliland

General Somali News

Dowladda Gambia ayaa si rasmi ah uga jawaabtay dalabkii Soomaaliland ee ku aadanaa inay u ictiraafto dal madax-banaan, isla markaana ay noqoto dalkii u horeeyay ee ku dhawaaqa aqoonsigaasi.

Soomaaliland ayaa dalabkaasi u gudbisay madaxda dalkaasi, maadama ay hore dal madax banaan ugu aqoonsatay Taiwan oo muddooyinkii u dambeeyay uu xiriir wada shaqeynayd kala dhaxeeyay Somaliland, sida uu qoray wargeyska The Freedom Newspaper.

The Freedom Newspaper oo soo xiganaya hadal uu dhawaan Baarlamaanka ka jeediyay wasiirka arrimaha dibedda jamhuuriyada Gambia Mamadou Tangara ayaa sheegay in dowladda Gambia ay ku gacan seyrtay dalabkaasi uga yimid Soomaaliland.

Wasiirka ayaa sharci daro diblomaasiyadeed ku tilmaamay aqoonsi xiligan la siiyo Soomaaliland oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax banaan dowladda Soomaaliya.

Mamadou Tangara ayaa ka digay in xiligan aqoonsi la siiyo Soomaaliland, maadama ay tahay maamul ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana uusan jirin dal si rasmi ah ugu ictiraafay dal madax banaan.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli uu socdo olole ay wadaan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Gambia oo cadaadis xoogan ku saaraya dowladda dalkaasi inay aqoonsato Soomaaliland.

Dowladda Gambia ayaa horey dal madax banaan ugu aqoonsatay Taiwan, inkasta oo ictiraafkaasi ay dib u laashay sanadkii 2013-kii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *