Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Shiinaha

General Somali News

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay kulan ay madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Shiinaha ku yeesheen Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Qin Jian ku casuumay madaxtooyada, waxaana lagu sheegay qoraalka in kulankaas diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale, labada dal waxa ay adkeeyeen mowqifkooda mideysan ee ku aaddan ixtiraamka qarannimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Danjire Qin Jian in Soomaaliya ay ixtiraamayso midnimada dalka aan saaxiibka nahay ee Shiinaha.

Dhankooda, Dowladda Shiinaha ayaa Madaxweynaha la wadaagay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Taiwan ee ay kula kacday Qaranimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Danjiraha Shiinaha ayaa dhankiisa ku cel-celiyey sida ay Dowladda Shiinaha uga go’antahay dhowrista Qarannimada iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *