Akhriso:- dagaal lagu dilay ku dhawaad 30 maleyshiyada Al-Shabaab oo ka dhacay duleedka Janaale

General Somali News

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ku dhex maray tuulo lagu magacaabo Dug-wariiri oo u dhaw deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Tuuladaas waxaa la sheegay inay horay u maamulayeen Al-Shabaab, isla markaana ay shalay ka soo rideen hoobiyeyaal ay ku duqeeyeen deegaanka Janaale oo kol sii horeysay ay ciidamada dowladdu kala wareegeen.

Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in dagaalkaasi Al-shabaab looga dilay 29 dagaalame oo laba saraakiil aheyd.

Taliyaha oo sii hadlayey ayaa sheegay in meydadka xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee dagaalkaas lagu dilay ay illaa hadda daadsanyihiin tuulada Dug-wariiri uu dagaalku ka dhacay, isla markaana ay hada maamulayaan gacan ku heynteeda ciidamada dowladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *