Beesha Ugu deegaanka balaaran Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo ka hortimid ka wareejinta Deegaan doorashada Kuraastooda Baarlamaanka Soomaaliya

General Somali News

Beesha Geelidle oo ka mid ah Beelaha ugu dad iyo deegaanka balaaran Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa war ka soo saaray hadal heyn ku aadan in kuraasta ay ku leeyihiin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya laga wareejiyo deegaan doorashadooda.

Sida la qorsheynayo dalka guud ahaan ayaa la filayaa in ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo sharciyadiisa uu ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya, Madaxweynahana uu saxiixay, ka dibna loo xilsaaray Guddi Farsamo oo isugu jira laba aqal ee Baarlamaan oo ka soo tala bixiya qaabka farsamo ee doorashada dalka u qabsoomi karto.

Waxaa haddeer lagu guda jiraa in dhageysi uu galinayo Baarlamaanka Soomaaliya Sharciyadda qorshaha Doorashada oo ay soo gudbiyeen Guddiyadii Farsamo labada aqal Baarlamaanka Federaalka ee loo xilsaaray.

Durbaba waxaa soo if baxaya in Xildhibaano dhowr ah ay ku hawlan yihiin in kursiga deegaan doorashadooda u wareejiyaan goob kale oo ay rumeysan yihiin in ay si fudud uga soo bixi karaan xilliga doorashada, ayagoon wax talo bixin ahna siineyn Odayaasha, Aqoonyahanada, Siyaasiyiinta, Culimada iyo Dhalinyarada Beesha uu Xildhibaanka qorshihiisa wareejinta kursiga uu ku matalo.

Baaq uu soo saaray Ugaaska Guud ee Beesha Geelidle Ugaas Maxamed Xasan Barow ayuu ku yiri ” waxaa horay naloogu dulmiyay xulista kuraasta Baarlamaanka haddeer waqtigiisa sii idlaaneyso oo nalaga siiyay laba kursi oo haween ah anagoo aan dooran, xad gudubna ku ah qoonda qeybsiga Haweenka ugu matalayaan beelaha oo beeshiiba heleyso hal kursi oo haween ah, haddeerna lagu hawlan yahay in kuraastooda la geeyo goobo aan ku munaasab ahayn in ay ka dhacdo doorasho”.

Ugaaska oo hadalkiisa sii watta ayaa yiri ” waxaan si gaar ah fariinteyda u gaarsiinayaa Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka in aysan Beesha aqbali karin in ay dusha saartaan laba kursi oo haween ah, ayna u sii dheertahay in la rabo in la badalo kuraasta matalaada Xildhibaannimo ee Beesha deegaan doorashadooda”.

Waxaase is weydiin mudan, yeey tahay cidda loo gudbinayo cabashooyinka ay qabaan Beelaha Soomaaliyeed ee ku aadan Arrimaha Doorashooyinka? Haddii uu guddigiiba yahay qofka hormuudka ka ah ansixinta iyo meel marinta arrimahan ay ka cabanayaan Beelaha Soomaaliyeed Ugaasiintooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *