Madaxeynaha Jubbaland iyo safiirka Qatar ee soomaaliya oo kulmay

General Somali News

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta xaruunta Madaxtooyada maamulkaas ku qaabilay Safiirka Dowlada Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza Asad .

Safiirka iyo Wafdiga uu hogaaminayo oo Magaalada Kismaayo u tagay furitaanka Mashaariic Dowlada Qatar ay ka fulisay Jubbaland ayaa waxaa kamid ah Masuuliyiin sidoo kale kasocda Hay’ada gargaarka Dalka Qatar iyo xubno kale.

Madaxweynaha maamulka jubaland Axmed Madoobe ayaa u mahad celiyay Safiirka kuna amaanay dowladda qadar  Adeegyada hormarineed oo ay ka fulisay Jubbaland iyagoo ka wadahadalay sidii loo dardar galin lahaa mashashaariicda Horumarineed  ee laga fulinayo maamulka sida Adeegyada Caafimaadka Waxbarashada Beeraha iyo garoomada Diyaaradaha.

Safiirka dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya ayaa markiisii ugu horeysay gaaray Juballand ka dib aqoonsigii dowladda soomaaliya aqoonsatay maamulkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *