Shil khasaaro dhaliyay oo maanta ka dhacay Muqdisho

General Somali News

Shil baabuur ayaa oo khasaaro dhaliyay ayaa maanta waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Shilkan ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhexeysa Isgoyska Fagax iyo Hotel Lafweyn ee degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay shilkan baabuur, Hal qof oo shacab ahaa, halka Labo qof oo kalena ay ka soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Baabuurka shilka galay ayaa fariink goostay, taas oo sababay in baabuurku uu shilka galo, isagoo sidoo kale burbur u gaystay goobo ganacsi oo ka agdhawaa goobta ay wax ka dhaceen, sida ay KNN u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidan oo kale degmad Kaaraan ee gobolka Banaadir waxaa uga dhacay shilal dhilayay khasaare nafeed iyo burburka hantiyadeed oo kala duwan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *