DEG DEG : Shirki Jabuuti oo La Isku Mari Waayay Burburna Qarka U Saaran

General Somali News

Wararka  Dusta News ka  helayso Jabuuti ayaa sheegaya in lagu kala tagay Shirkii Guddiyada Farsamada ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana la isku mari waayay qodob ka mid ah War murtiyeedka shirka ee maanta la soo saari lahaa.

Qodobada lagu kala tagay ayaa ah marki Somaliland ay diiday in lagala hadlo Arimaha gudaheeda sida dakka reer Somaliland ee Muadisho yimaada , Xuriyadda Saxaafada iyo arimaha socdaalkaDowladda Jabuuti ayaa dadaal ugu jirta in mar kale dhinacyada isu keento, si heshiis looga gaaro war murtiyeedka, waxaana dhinaca ka socday Somaliland diideen qodobka ahaa in aan la siyaasadeyn is dhex galka bulshada labada dhinac inay Muqdisho iyo Hargeysa isaga kala gooshi karaan, haddii ay ahaan laheyd Fanka, Dhaqankax Ganacsiga iyo Isboortiga.

Inta badan qodobada laga wada hadlayay ee sida in aan la siyaadadeyn mashaariicda horumarineyd iyo saadaasha hawada ayaa is faham laga gaaray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *