Akhriso: Ajendaha kulanka maanta ee xildhibaanada golaha shacabka

General Somali News

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah ee lanaya mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa.

Kulankaan ayaa ah kii seddaxaad ee kalfadhigan ay yeeshaan xildhibaanadu, waxuuna ajendihiisu yahay, akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Nootaayooyinka.

Hindise Sharciga Nootaayooyinka ayaa ka mid ah sharuucda ansixinta u baahan ee weli hor yaalla xildhibaanada golaha shacabka, waxuuna ka mid yahay shuruucda muhiimka ah, maadaama ay Nootaayooyinka dalka ay sida la sheegay si joogto ah u canshuuraan Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *