Liiska Guddiyada Farsamo Ee DFS Iyo Somaliland Oo La Shaaciyay

General Somali News

Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas ayaa Maanta waxaa ka furmay Shir u dhexeeyay Guddiyada farsamada ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee labada dhinac matalaya wadahadallada.


Furitaanka shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyagoo halkaas Maanta Khudbado ka jeediyay.


Wadahadalladii shalay ka furmay qasriga Madaxtooyada Jabuuti ayaa waxaa labada dhinac ay ku heshiiyen inaan la siyaasadayn deeqaha horumarinta iyo maalgashiga caalamiga ah.


DFS iyo Somaliland ayaa shaaciyay Magacyada xubnaha Guddiyada farsamada ee labada dhinac ku mataleysa wadahadallada, waxaana Guddigaas Dowladda ugu jiro Wassiiro ka tirsan iyo xubno kale, waxaana kamid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye.


Dhinaca kale Somaliland ayaa waxaa Guddiga ku matalaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Yaasiin Maxamuud Faratoon iyo xubno kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *