UNSOM, AMISOM iyo IGAD oo kawada hadlay taageerada ay siiyaan Soomaaliya

General Somali News

Shir u dhaxeeyay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, uqaabilsanaha AMISOM ee dalka iyo IGAD ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo dadaalada kala duwan oo ay ku bixiyaan hay’adahaan.

Kulanka oo ku qabsoomay fogaan aragga ee (Video Conference), waxa ay isaga kala qaateen xubnahaan howlaha Xafiisyadooda, Geeddi socodka iyo xoojinta iskaashiga kala dhaxeeya Soomaaliya.

Qoraal lasoo dhigay Bogga Tweeter-ka ee Xafiiska Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa lagu sheegay in dhammaan xubnahaan ay isla meel dhigeen waxyaabihii ay kawada hadleen.

“Waxa aan ku faraxsanahay in maalmihii la soo dhaafay aan saxiixnay Heshiis Isfaham oo u dhexeeya AMISOM, IGAD iyo UNSOM, oo aan ku xoojineyno iskaashigeenna iyo iskaashigeenna aan hore ugu taageernay Hay’adaha iyo dadka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhinacyadaan ayaa taageera Soomaaliya, waxaana ay ka caawiyaan Nabadgalyada, dhaqaalaha, Mashaariicda, Siyaasadda, wada xaajoodka iyo waxyaabo kale oo kala duwan, waax waliba waxa ay heysaa shaqo gaar ah.

AMISOM waa magaca ay ku howlgalaan Ciidamada Midowga Afrika ee taageera Askarta Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, UNSOM waxa uu bixiyaa dhaqaalaha lagu garab istaagayo Dowladda, halka IGAD ay badi abaabusho kulamada Siyaasadda iyo kuwo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *