Xaalad caafimaad darro oo ka jirta deegaanno hoos taga degmada Balcad

General Health

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in deegaanno hoos taga degmada Balcad ee gobolkaasi ay ka jirto xaalad caafimaad darro.

Ilaa iyo hadda waxaa xaalad caafimaad darro u dhintay ilaa 2 ruux, halka in ku dhawaad 20 ruux oo kale ay la jifaan, xanuuno soo wajahay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay KNN in dadkan u dhintay xanuunka ay ahaayeen dad shacab ahaa, isla markaasina ku noolaa deegaan lagu magacaabo Qoryo Cadde oo ah tuulo yar oo hoos timaada degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Wasaaradda Caafimaadka ee maamulka Hirshabeelle ayaa la sheegay in aysan gaari karin tuulooyin iyo deegaannada qaar, si ay gargaar caafimaad ugu fidiyaan dadka shacabka ah ee xanuunada kala duwan qaba, maadaama la sheegay in goobahaasi ay inta badan ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *