Akhriso:-Hirshabeelle Oo War Kasoo Saartay Qoraalkii Aqalka Sare

General Somali News

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa War kasoo saaray Qoraalkii kasoo baxay Guddiga Joogtada Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka, kaasi oo dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada loogu baaqay in Shir Deg Deg isugu yimaadan si looga hadlo Arrimo muhiim ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu soo dhaweeyay Baaqii Golaha Aqalka Sare ee ahaa in dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ka wada hadlaan hanaanka Doorashada dalka iyo sidii loo dhameeyn lahaa Khilaafyada siyaasadeed ee dhinacyada.

Hirshabeelle ayaa kusii baaqday in Shir Deg deg ah la isku yimaado, iyagoona tilmaamtay in wada-hadal oo kaliya lagu dhameeyn karo wax kasto oo jira, isla markaana muhiim ay tahay in la wada-hadlo.

Ugu dambeyn Qoraalka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in Maamulka uu diyaar u yahay inuu ka qeyb qaato shuruud la’aan kulan kasta oo lagu xalinayo masiirka dalka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Hirshabeelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *