Dibadbaxyo rabshado wata oo ka socda dalka Lubnaan

Business General Somali News

Dibadbaxyo ay dhigayaan dad shacab ah oo cadheysan ayaa ka bilowday magaalada Beyrut ee dalka Lubnaan.

Dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa waxa ay dalbanayaan in ay helaan isbadal, maadaama ay soo wajaheen dhaqaale xumo, iyo in la yareeyo bandoiwga saaran, kaas oo ay ku soo rogtay dawlada.

Inta ay socdeen dibadbaxyada ayaa waxaa ku dhaawacmay 37 ruux, kadib markii ay isku bedelaan dibadbaxyadu kuwo rabshado wata.

11 ruux oo ka mid ah 37-ka ruux ee dhaawacyada qaba ayaa waxaa la sheegay in dhaawacyadoodu uu yahay kuwo culus.

Mudo saddex bilood ah ayaa waxa magaaladani saarnaa xaalad bandow ah, taas oo keenay cabsi laga qabo cudurka safmareenka ah ee COVID-19.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *