Xaaladaha ka soo kordhay maanta kiisaska cudurka COVID-19 ee Somalia

General Health

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 66 xaaladood oo COVID-19 ah, 19 qofood oo xanuunka ka boqsootay, ma jiro dhimasha ah oo maanta la diiwaan galiyay.

Wasiirka Wasaaradda, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub maanta laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 33, Somaliland 26, Puntland 7. Bukaannada cusub 42 kamid ah waa rag, 24 kalana waa haween.

2,089 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 380 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 79.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku boorineysa dad weynaha in ay taxadar iyo mas’uuliyad muujiyaan inta lagu guda jiro munaasabadda Ciida ee inagu soo aadan.

Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta in hannaanka ugu haboon loo xakameeyo safmarka COVID19 ayaa sameysay qorshayaal muhiim u ah sare u qaadidda bed-qabka bulshada iyo yareynta saameynta aan wanaagsaneyn ee cudurku ku yeelanayo bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *